Jowhar (Dawan)— Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Jowhar, kaddib doorashadii tooska ahayd ee loo qabtay 30-kii Sebtembar 2026.
Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya. Golaha Wakiillada Hirshabeelle ayaa ka kooban 99 xildhibaan, kuwaas oo lagu soo doortay nidaamka qof iyo cod, taas oo muujinaysa in shacabka ay si toos ah uga qayb qaateen doorashada xubnaha matalaya golaha.