Hirshabeelle (Dawan)– Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa soo bandhigtay barnaamijka BULSHO ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunka, ka hor daahfurkiisa, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Federalaka iyo kan maamulka.
Aqoon-is-weydaarsi wacyigelin ah ayuu furay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdidhaahir Guure Karoor, waxaana ka qaybgalay mas'uuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulada degmooyinka iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Barnaamijka BULSHO, waa barnaamij ay hoggaaminayso dowladda, kaas oo loogu talagalay xoojinta hay'adaha bulshada iyo maamulka deegaanka si loo horumariyo wadajirka bulshada, ka mid noqoshada bulshada iyo adkeysiga bulshada.
Barnaamijku wuxuu ku salaysan yahay hab ay bulshada udub-dhexaad u tahay, iyadoo shacabka, maamulada degmooyinka iyo hay'adaha dowladaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay si wadajir ah u aqoonsanayaan baahiyaha mudnaanta leh ee deegaanka, isla markaana ay abaabulayaan khayraadka lagu fulinayo.
Bangiga Adduunka ayaa bixiya maalgelinta barnaamijka, kaas oo ay qayb ka yihiin taageerada hay'adaha degmooyinka, qorshaynta horumarinta deegaanka ee ka qaybgalka bulshada ku salaysan, madallo lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya bulshada iyo maamulka, iyo deeqo horumarineed oo la siinayo degmooyinka buuxiya shuruudaha.