Jowhar, (Dawan) – Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa si weyn u soo dhaweeysay go’aanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku ansixiyay Dastuurka dalka, kaasoo meesha ka saaray Dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee 2012.
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Hirshabelle ayaa lagu sheegay in go’aankan uu soo afjarayo muddo dheer oo is-afgaranwaag iyo murano ku saabsan dastuurka dalka, isla markaana uu abuuri doono fursado cusub oo la xiriira horumarka dalka iyo dhismaha dowladnimo hufan. Dowladda Hirshabelle ayaa ku tilmaamtay ansixinta Dastuurka guul weyn oo u horseedi doonta Soomaaliya xasillooni siyaasadeed, horumar dhaqaale, iyo nidaam dowladnimo oo dhammaystiran.







