Beirut (Dawan)- Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay in Xasan Nasrallah, oo ahaa xoghayihii guud ee ururka Xisbullaah ee Lubnaan lagu dilay duqayn ka dhacday duleedka koonfureed ee Beirut.
Nasrallah ayaa lagu dilay duqeymo xoog badan oo aan horay loo arag kuwaas oo fiidnimadii Jimcaha ay diyaaradaha F-35 ee Israel ku qaadeen xaafadda Haret Hreik, oo ah xarunta ugu weyn ee Xisbullaah ee koonfurta Beirut.
Wax yar ka dib weeraradaasi, afhayeenka ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta ugu weyn ee Xisbullah, isaga oo intaas ku daray in la bartilmaameedsaday xarumo lagu keydiyo hubka
Xisbullah ayaa xaqiijiyay dilka hogaamiyihii ururka Xasan Nasrallah oo lagu dilay weerar cirka ah oo Israel ay ka geysatay Beirut fiidnimadii Jimcaha.
Nasrallah waxa uu muddo dheer bartilmaameed u ahaa Israel , iyada oo u aragtay inuu ahaa mid ka mid ah cadawga ugu waaweyn ee ay leedahy Tel Aviv.
Israel ayaa dhowr jeer isku dayday inay ku disho iskahorimaadyo hubeysan oo horay u dhacay laakiin dhammaantood waa ay ku guuldareystay .
Nasarallah waxa uu Mareykanka ugu jiray liiska argagixisada caalamiga ah tan iyo 1995-kii waxaana madaxiisa la dul dhigay abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar.
Waa kuma Xasan Nasrallah?