Muqdisho (Dawan) – Hormuud Salaam Foundation iyo shirkadda Rikaab ayaa fuliyay wajiga afraad ee mashruuca shaqo-abuurka dhallinyarada, kaas oo 15 dhallinyaro ah lagu siiyay mootooyin nooca Fekon ah si ay uga shaqeeyaan adeegga gaarsiinta alaabaha ee Rikaab Delivery.
Hormuud Salaam Foundation ayaa maalgelisay mootooyinka, halka shirkadda Rikaab ay dhallinyarada u abuurtay fursado shaqo, iyaga oo ka hawlgeli doona adeeggeeda gaarsiinta alaabaha.
Dhallinyaradu waxay qiimaha mootooyinka ku bixin doonaan muddo sannad ah, iyada oo aan lagu darin wax faa'iido ama dulsaar ah. Hay'addu waxay sheegtay in nidaamkan uu muujinayo sida barnaamijku mudnaanta u siinayo horumarinta nolosha dhallinyarada, isaga oo aan saarin culays dhaqaale oo dheeraad ah.