Muqdisho (Dawan) – Shirkadda Hormuud Telecom iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada taageerada horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada Soomaaliyeed.
Wadahadalladan ayaa shalay ka dhacay xarunta dhexe ee Hormuud Telecom ee magaalada Muqdisho, kaddib markii uu booqasho ku tagay wafdi uu hoggaaminayay Madaxa UNDP ee Soomaaliya, Christophoros Politis. Wafdiga waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf, iyo xubno ka tirsan maamulka sare ee shirkadda.
Labada dhinac ayaa yeeshay kulan diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta horumarinta, fursadaha maalgashi ee dalka, hindisayaasha wadajirka ah ee taageeraya kobaca dhaqaalaha, horumarinta ganacsiyada iyo abuurista shaqooyinka, iyo guud ahaan horumarinta nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Hormuud Telecom ayaa sheegtay inay ka go'an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay bahwadaagta horumarinta, si loo hirgeliyo mashaariic wax-ku-ool ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u horseeda horumar waara.