Muqdisho (Dawan) – IBS Bank ayaa macaamiishiisa ku wargeliyay in adeegga App-kii hore ee IBS Mobile Banking la joojin doono laga bilaabo 31-ka Oktoobar 2026. Bangiga ayaa macaamiishiisa ku dhiirrigeliyay inay u wareegaan App-ka cusub ee IBS Mobile Banking, si ay u sii wataan adeegsiga adeegyada bangiga si fudud, ammaan ah oo casri ah.
Bangiga oo aan arrintan wax ka weydiinay ayaa sheegay in App-ka cusub uu ka fudud yahay kii hore, isla markaana uu ka dhashay horumarin lagu sameeyay adeegsigii hore.
“Application-kii hore horumarin baan ku samaynay, ugu dambayntiina mid cusub ayaa la sameeyay oo features ahaan aad uga fudud kii hore,” ayuu yiri wakiil ka tirsan bangiga.