Muqdisho (Dawan)– Idman Community Bank ayaa soo gabagabeeyay tababar maaliyadeed oo muddo saddex bilood ah socday, kaas oo ay ka faa’iideysteen 30 haween ganacsato ah oo adeegyada maalgelinta ka hela bangiga.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray maareynta maaliyadda, kaydinta lacagta iyo kobcinta ganacsiyada yaryar, si haweenku si wanaagsan uga faa’iideystaan maalgelinta ay helaan, una horumariyaan ganacsiyadooda.
Maryan Cali Xasan oo ka tirsan Waaxda Maalgashiga ee Idman Community Bank ayaa sheegtay in tababarku qayb ka yahay dadaallada bangiga ee lagu horumarinayo aqoonta maaliyadeed iyo xirfadaha ganacsi ee macaamiishiisa.
“Bangigu kuma koobna oo keliya bixinta adeegyada maaliyadeed iyo maalgelinta, balse waxaa sidoo kale ka go’an taageeridda horumarka ganacsatada iyo kobcinta aqoontooda si ay u gaaraan kobac waara,” ayay tiri Maryan.