Kampala (Dawan)- Shirweynihii 42-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD ee maanta oo Khamiis ah (18-ka Janaayo 2024) ka furmay Magaalada Entebbe ee dalka Uganda ayaa laga soo saaray War-saxaafadeed.
Shirka ayaa looga hadlay xaaladda dalka Suudaan iyo xiisaddii u dambeysay ee xirirka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
War-saxaafadeedka ayaa ugu horeyn lagu muujiyay walaaca uu Ururku ka qabo is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Ururku waxa uu adkeeyay xaqiijinta mabaadi'da asaasiga ah ee ku dhisan ixtiraamka madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray, iyada oo la dhowrayo mabaadi'daas asaasiga ah in kaliya heshiis kasta loo maraa ogolaanshaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa loogu baaqay labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya in ay dejiyaan xiisadda, taas beddelkeedana ay galaan wada hadal wax ku ool ah.