Addis Ababa (Dawan)- Urur-Goboleedka IGAD ayaa Jimcihii magaalada Addis Ababa ka bilaabay kulan wadatashi ah oo soconaya laba maalmood, kaas oo looga shaqeynayo diyaarinta qaab-dhismeed iyo istaraatiijiyad goboleed oo ku saabsan garaad gacmeedka
Kulanka waxaa ka qeybgalaya siyaasad-dejiyayaal, khubaro farsamo, aqoonyahanno, wakiillo ka socda ganacsatada gaarka loo leeyahay iyo hay'adaha horumarinta ee dalalka ku jira gobolka IGAD.
Xoghayaha Fulinta IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in gobolka uusan ku ekaan karin daawashada horumarka degdegga ah ee garaad gacmeedka, balse uu u baahan yahay inuu door ka qaato sida tiknoolajiyadda loogu adeegsanayo horumarka.
“Su’aashu hadda ma aha in garaad gacmeedka uu gobolkeenna beddeli doono, balse waa sida aan uga faa’iideysan karno si aan u dardargelinno horumarka,” ayuu yiri Workneh.
Wuxuu sheegay in istaraatiijiyadda goboleed ay tahay inay ka tarjumto xaqiiqooyinka, dhaqamada iyo mudnaanta dalalka xubnaha ka ah IGAD, iyadoo la waafajinayo Heshiiska Caalamiga ah ee Dhijitaalka ee Qaramada Midoobay iyo Istaraatiijiyadda Garaadka Macmalka ah ee Midowga Afrika.
Workneh ayaa sheegay in AI laga faa’iideysan karo dhinacyada beeraha, la qabsiga isbeddelka cimilada, caafimaadka, waxbarashada iyo is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka.
Wuxuu sheegay in AI ay gacan ka geysan karto xoojinta sugnaanta cuntada, hagaajinta saadaasha cimilada iyo nidaamyada digniinta hore ee abaaraha iyo fatahaadaha, iyo ballaarinta adeegyada caafimaadka iyadoo la adeegsanayo baaritaanno ay tiknoolajiyaddu taageerto.