Mooyaale (Dawan)- Urur Gobaleedka Hormarinta dowladaha Geeska Afrika ee Magaciisa loo soo gaabiyo IGAD ayaa dhanka Kenya ee magaalo Xuduudeedka Mooyaale ka furay xafiiska isku xirka horumarinta xuduudaha.
Mas'uuliyiin ka kala socda Urur goboleedka IGAD iyo dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa kasoo qeyb galay xafladda xariga loo jaray xafiiska isku xirka horumarinta xuduudaha.
Waa iyaguna goob joog ahaa munaasabadda waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalooyinka Mooyaale iyo Mersabit.