Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay tan iyo sannadkii 2022 xirtay 233,000 oo bog oo ay ku tilmaantay inay Al-Shabaab ku lahayd ama ku adeegsan jirtay baraha bulshada ee Facebook, TikTok iyo Telegram.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Xayir Ducaalle, ayaa tiradan ka sheegay dood-wadaag ay soo qabanqaabisay Xarunta Qaran ee Tubsan, kaas oo diiradda lagu saaray isku xirka dadaallada la-dagaallanka argagixisada iyo yareynta khataraha musiibooyinka ee deegaannada xeebaha Soomaaliya.
Sida uu sheegay Agaasimaha Guud, tirada bogagga la xiray sannad kasta ayaa ahayd:
2022: 5,000 bog
2023: 38,000 bog
2024: 39,000 bog
2025: 69,000 bog
2026: 82,000 bog ilaa hadda