Jigjiga (Dawan)– Bangiga Shabeelle ee Itoobiya ayaa magaalada Jigjiga ku soo bandhigay warbixintiisa waxqabadka sannadlaha ah, isagoo sheegay in hantidiisu gaartay ku dhowaad 61 milyan oo doollar, oo u dhiganta 9.73 bilyan oo birr Itoobiyaan ah.
Bangigu ayaa sheegay in hantidiisu ay si weyn uga korortay sannadkii hore, xilligaas oo ay ahayd in ka badan 6 bilyan oo birr, taasoo muujineysa koboc joogto ah oo dhinacyada maaliyadda iyo adeegyada bangiga ah, sida uu baahiyay Telefishinka Dowlad Deegaanka Soomaalida (SRTV Somali).
Munaasabad lagu soo bandhigay warbixinta sannadlaha ah iyo shirweynaha hoggaaminta Bangiga Shabeelle ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga, waxaana ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Bangiga Shabeelle, Ibraahim Cusmaan Faarax, xubnaha Guddiga Sare, maamulka sare ee bangiga, madaxda laamaha iyo mas’uuliyiin kale.
Warbixinta sannadlaha ah ayaa lagu sheegay in Bangiga Shabeelle uu sameeyay koboc muuqda oo dhinacyada hantida, dakhliga iyo adeegyada maaliyadeed, iyadoo sidoo kale la falanqeeyay ballaarinta adeegyada bangiga, kordhinta tirada macaamiisha iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee maaliyadeed.