Muqdisho (Dawan) — Dhaawacyada ka dhasha shilalka gaadiidka, rasaasta, tooreyda iyo rabshadaha kale ayaa weli caqabad ku ah adeegyada caafimaadka Soomaaliya, iyadoo Wasaaradda Caafimaadku sheegtay in tirada dhaawacyada la diiwaangeliyey sannadka 2026 ay gaartay 118,000.
Arrintan ayaa diiradda lagu saaray munaasabad 17-ka Oktoobar lagu qabtay Muqdisho, taas oo lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhaawacyada.
Munaasabadda, oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Dhakhaatiirta Lafaha Soomaaliyeed, ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay horumarinta daaweynta dhaawacyada halista ah, badbaadinta nolosha dadka dhaawacma iyo dib-u-dhiska xubnaha jirka ee waxyeelladu gaarto.
Guddoomiyaha ururka, Yaasiin Barqad, ayaa sheegay in kulanku fursad u yahay dhakhaatiirta ay ku wadaagaan aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda, isla markaana ay uga wada hadlaan hababka ugu habboon ee loola tacaali karo dhaawacyada.