Jig-jiga (Dawan)- Wararka aan ka heleyno Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa tilmaamya in uu galabta shil gaari oo ay ku dhinteen dad badan uu ka dhacay duleedka Magalaada Jig-jiga.
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay shilka halka ay ku dhaawacmeen 12 qof oo kale.
Dadka dhaawacmay iyo meydadka ayaa loosoo qaaday Maagalada Jig-jiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana socda baaritaan la xiriira waxa sababay shilka.