Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa qorsheynaysa in manhajka dugsiyada sare lagu soo kordhiyo 23 waddo-xirfadeed iyo farsamo, iyadoo ujeeddadu tahay in ardayda lagu qalabeeyo xirfado wax-ku-ool ah iyo in loo kordhiyo fursadaha shaqo.
Barnaamijkan ayaa loogu talagalay ardayda fasallada 11-aad iyo 12-aad, kuwaas oo dooran doona mid ka mid ah waddooyinka xirfadeed, kuwaas oo qayb ka noqon doona waxbarashadooda muddo afar semester ah, sida uu sheegay Ugaas Fu’aad Ugaas Caafi, Agaasimaha Horumarinta Manhajka, Cilmibaadhista iyo Qiimaynta ee Xafiiska Waxbarashada Dowlad Deegaanka Soomaalida, Jimcihii.
Caafi ayaa sheegay in 12 ka mid ah waddooyinka xirfadeed la diyaariyay sanadkii hore, halka 11 xirfadood oo dheeraad ah la sameeyay sanadkan, taasoo tirada guud ka dhigaysa 23 waddo-xirfadeed.
Xirfadaha la diyaariyay waxaa ka mid ah tignoolajiyadda alwaaxda, dhammeystirka shaqooyinka dhismaha, naqshadeynta iyo horumarinta mareegaha, dayactirka kombiyuutarrada iyo isku-xirka shabakadaha, wax-soo-saarka xoolaha, maaraynta kheyraadka dabiiciga ah, daryeelka caafimaadka bulshada, saxaafadda, daryeelka nafsiyeed iyo bulsheed, xisaabaadka iyo maaliyadda, maaraynta suuq-geynta iyo iibka, iyo bandhigga codka iyo fanka heesaha.
Sidoo kale, xirfadaha dheeraadka ah waxaa ka mid ah tignoolajiyadda biraha, tignoolajiyadda baabuurta, tignoolajiyadda dharka, rakibidda korontada dhismayaasha, rakibidda tuubooyinka biyaha, horumarinta barnaamijyada kombiyuutarrada, wax-soo-saarka dalagyada, daryeelka caafimaadka, adeegyada hawlgelinta hoteellada, timo-jarista iyo qurxinta, iyo diyaarinta cuntada.
Manhajka iyo saacadaha waxbarashada ee maaddooyinka xirfadaha ayaa la diyaariyay, waxaana hadda lagu darayaa jadwalka waxbarashada ardayda fasallada 11-aad iyo 12-aad, ayuu yiri Caafi.