Muqdisho (Dawan ) – Boqortooyada Ingiriiska ayaa walaac xooggan ka muujisay rabshadihii iyo iska horimaadyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay muujiyaan is-xakameyn kana fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara xiisadda.
Qoraal ay soo saartay Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in rabshadaha ka dhacay caasimadda ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, loona baahan yahay in lagu beddelo wadahadal iyo xal nabadeed.
“UK waxay si qoto dheer uga walaacsan tahay wararka ku saabsan rabshado xalay ka dhacay Muqdisho,” ayay safaaraddu ku sheegtay bayaankeeda.
“Rabshaduhu waa wax aan la aqbali karin, waxaana dhammaan dhinacyada ugu baaqeynaa inay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana galaan wadahadal loo dhan yahay oo wax dhisaya si xiisadda loogu xalliyo si nabad ah,” ayay raacisay.