Muqdisho, Maarso 5, 2026 (Dawan)– Wax-soo-saarka dhaqaale ee Soomaaliya ayaa hoos u dhici kara ilaa 13.5% marka la gaaro sannadka 2060, sababo la xiriira isbeddelka cimilada, haddii aan dalka laga gudbin wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah loona gudbin qorsheyaal adkeysi oo muddo dheer ah. Sidaan waxaa lagu sheegay warbixin Khamiistan maanta ah laga soo saaray Muqdisho.
Warbixinta Cimilada iyo Horumarinta Dalka (CCDR), oo ay si wadajir ah u soo saareen Bangiga Adduunka iyo Dowladda Soomaaliya, ayaa ka digaysa in Soomaaliya weli ka mid tahay dalalka ugu nugul caalamka dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, kuwaas oo khatar gelin kara guulihii dhaqaale ee dhowaan la gaaray.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ku nuuxnuuxsaday in mudnaanta dowladda ay tahay isku xirka ilaalinta deegaanka iyo badbaadinta dhaqaalaha. “Yoolkeennu waa in ficillada cimilada ay si toos ah uga faa’iideystaan bulshadeenna, annagoo dhiseyna Soomaaliya ka xoog badan oo adkaysi leh,” ayuu yiri wasiirku. “Warbixintani waxay bixineysaa falanqayn qiimo leh oo hagaysa ficillo isku dubaridan oo ay qaadaan qaybaha kala duwan, isla markaana xoojinaysa iskaashiga aan la leenahay saaxiibadayada.” ayuu raaciyay hadalkiisa
Warbixintu waxay timid xilli Soomaaliya ay wajahaysay isbeddel xooggan oo ku yimid qaababka cimilada, oo ay ku jiraan daadadkii dhacay 2023-kii, kuwaas oo barakiciyay ku dhowaad 1.2 milyan oo qof.






