Addis Ababa (Dawan)- Iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee ka dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xowli ku socda sannadihii lasoo dhaafay, waxaana la arkaayay booqashooyinka ay is dhaafsanayeen madaxda labada dal iyo heshiisyada waaweyn ee ay kala saxiixdeen.
Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed ayaa booqasho rasmi ku tegay Jimacadii dalka Itoobiya, iyada oo ujeedka safarkiisa lagu sheegay sii xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli xiriirka ganacsi iyo dhaqaale ee u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya uu ku yimid kor u kac sannadihii lasoo dhaafay.
“Waxaan ku soo dhaweynayaa walaalkey ahna saaxiibkeyga qaaliga ah Skeekh Maxamaed bin Zayed Itoobiya. Xiriirka sii kobcaaya ee labadeena dal waxa uu ku qotomaa is ixtiraam iyo aragti wadaag ku wajahan horumarka labada dal” ayuu bartiisa X kusoo qoray ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.