Israel (Dawan ) – Israel ayaa ansixisay magacaabista safiirkeedii ugu horreeyay ee Somaliland, sida ay warbaahinta Israel sheegtay maanta oo Axad ah.
Go’aankan oo helay cod aqlabiyad ah ayaa ka dambeeyay soo jeedin uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah.
Michael Lotem, oo hadda ah ergeyga dhaqaale ee wareega ee Israel u qaabilsan qaaradda Afrika, ayaa loo magacaabay safiir, waxaana la sheegay inuu marka hore ku shaqeyn doono isaga oo aan deggenaansho rasmi ah ku lahayn Somaliland.
Magacaabistan ayaa timid kadib markii Israel iyo Somaliland ay xiriir sameysteen bishii December 2025, waxaana ka dambeeyay booqasho uu Sa’ar ku tegay Somaliland horraantii sanadkan.


