Addis Ababa (Dawan) – Dowladaha Itoobiya iyo Nigeria ayaa kala saxiixday heshiis laba geesood ah oo ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista la xukumay, kaas oo lagu tilmaamay tallaabo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca sharciga ee labada dal.
Heshiiska waxaa magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday Wasiirka Caddaaladda Itoobiya, Hanna Arayaselassie, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Nigeria isla markaana ah Wasiirka Caddaaladda, Lateef Olasunkanmi Fagbemi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda Itoobiya maanta oo Khamiis ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in munaasabadda saxiixa ay muujisay xiriirka soo jireenka ah ee Itoobiya iyo Nigeria, iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyadoo ku tilmaamtay in heshiiskani uu xoojin doono wada-shaqeynta garsoorka iyo nidaamka caddaaladda ee labada dal.
Heshiiska cusub ayaa dhigaya qaab-dhismeed rasmi ah oo lagu kala wareejinayo muwaadiniinta la xukumay ee ku kala sugan labada dal, si ay xukunkooda ugu dhammeystaan dalkooda hooyo.