Itoobiya, 7 Maarso 2026 (Dawan) – Guddiga Qaranka Doorashooyinka Itoobiya ayaa si rasmi ah u daah-furay howlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo qaybinta kaararka codbixinta, taasoo qayb ka ah diyaar-garowga doorashooyinka qaranka ee la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadkan.
Guddiga ayaa ugu baaqay muwaadiniinta ku nool dhammaan gobollada dalka inay iska diiwaangeliyaan xarumaha loo qoondeeyay si loogu daro diiwaanka codbixiyeyaasha, isla markaana ay u qaataan kaararkooda codbixinta si ay uga qayb qaataan doorashada soo socota.
Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Doorashooyinka Itoobiya, Melatwork Hailu, ayaa shir jaraa’id ku sheegtay in dhammaan diyaar-garowgii farsamo iyo maamulka ee doorashada la soo dhammeystiray, taasoo suuragelisay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay si rasmi ah u bilaabato 7-da Maarso 2026.
Waxay sheegtay in hawsha diiwaangelintu socon doonto muddo hal bil ah, iyadoo lagu fulinayo nidaam isku dhaf ah oo ka kooban hab dijitaal ah iyo hab gacanta lagu maamulo, si loo hubiyo in muwaadiniinta u qalma ay si fudud isku diiwaangeliyaan.
Sida uu sheegay guddigu, ilaa hadda 47 xisbi siyaasadeed ayaa diiwaangeliyay 10,934 musharrax oo u tartamaya doorashada. Musharraxiintaas waxaa ka mid ah 2,198 qof oo u tartamaya kuraasta Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya, halka 8,736 musharrax ay u tartamayaan kuraas ka tirsan goleyaasha gobollada kala duwan ee dalka.








