Addis Ababa(Dawan) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in natiijooyinka codbixinta ee inta badan deegaannada doorashada ay gaareen xarunta xaqiijinta, iyadoo dalka uu ku guda jiro marxaladda hubinta iyo ansixinta natiijooyinka doorashooyinka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Melatwork Hailu, ayaa Khamiistii shaacisay in guddigu helay natiijooyinka 1,131 deegaan doorasho oo ka mid ah 1,139 deegaan doorasho oo dalka oo dhan ah.
Sida ay sheegtay, natiijooyinka 497 ka mid ah 501 deegaan doorasho oo Golaha Wakiillada Shacabka ah ayaa durba gaaray xarunta xaqiijinta ee guddiga.
Dhanka kale, natiijooyinka 634 ka mid ah 638 deegaan doorasho oo golayaasha dowlad-deegaannada ayaa sidoo kale la gaarsiiyay xarunta guddiga, taasoo muujinaysa in hannaanka uruurinta iyo gudbinta natiijooyinka uu marayo heer gabagabo ah.