Addis Ababa (Dawan)- Hal milyan iyo bar guri. Waa bartilmaameedka cusub ee Itoobiya, xilli dowladdu ay raadineyso maalgelin ballaaran oo wax looga qabanayo baahida guryaha, isla markaana lagu xoojinayo suuqa maaliyadeed, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.
Bangiga Qaranka Itoobiya iyo Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee IFC ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis lagu aas-aasayo hay’addii ugu horreysay ee dalka u qaabilsanaan doonta dib-u-maalgelinta amaahda guryaha.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in hay’adda cusub lagu bilaabayo raasumaal gaaraya **100 bilyan oo Birr Itoobiyaan ah, oo qiyaastii u dhiganta $616 milyan, halka IFC ay qorshahan ku biirinayso $200 milyan.
Qorshuhu wuxuu ku wajahan yahay in bangiyada loo abuuro ilo maalgelin oo muddo dheer ah, si loo ballaariyo amaahda guryaha, loogana dhigo mid ay heli karaan qaybo badan oo bulshada ka mid ah.