Jabuuti (Dawan) — Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay bilowdo dhoofinta shidaalka iyo bacriminta beeraha iyada oo adeegsanaysa dekadaha Jabuuti, taas oo muujinaysa isbeddel istiraatiiji ah oo ay kaga guurayso ku-tiirsanaanta soo-dejinta una jihaysanayso dhaqaale ku dhisan wax-soo-saar iyo dhoofin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Maamulka Dekedaha Jabuuti.
Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha iyo Goobaha Xorta ah ee Jabuuti, Cabdiqaadir Cumar Xaadi, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka Jabuuti ku sheegay in qorshahan uu yimid kaddib booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku tagay Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Cabdiqaadir ayaa tilmaamay in Itoobiya ay hadda soo dhoofsato ku dhowaad 1.8 milyan tan oo ah bacriminta beeraha sanadkii, balse ay hadda u diyaargaroobayso inay dhoofiso shidaal iyo badeecooyin kale oo ay bacrimintu ka mid tahay, iyadoo dekadaha Jabuuti ay noqonayaan marinkeeda saadka ee ugu weyn.
“Itoobiya waxay doonaysaa inay yarayso waxyaabaha ay soo dhoofsato, isla markaana kordhiso waxa ay dhoofinayso. Marka dal uu wax soo saarkiisu ka bato isticmaalka, dhaqaalihiisu wuu xoogaystaa,” ayuu yiri, isagoo xusay in Jabuuti ay si buuxda u taageerayso isbeddelkan istiraatiijiga ah.