Muqdisho (Dawan)- Wafdi heer sar ah oo ka socda Jaamacadda Carabta ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaga oo kulamo hor dhac ah la yeeshay Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Imaansha wafdigaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo ay wali jirto xiisadda ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland kaas oo aay ka hortimid Dowladda Soomaaliya kuna tilmaamtay xad gudub cad oo lagu sameeyay madax bannaanideeda.
Wafdiga waxaa hoggaaminaya Danjire Khaliil Ibraahim , Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, ahna Madaxa Arrimaha Amniga Carabta, waxaana la socda Zayid Al-Sabban, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan, sida uu sheegay Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta.
War-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ayaa lagu sheegay in wafdiga Jaamacadda Carabta ee yimid Muqdisho ay ka sidaan fariin gaar ah Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, taas oo ku soocota Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.