Muqdisho (Dawan)— Jaamacadda Hormuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay sagaal joornaal cilmiyeed oo loogu talagalay horumarinta cilmi-baarista iyo ballaarinta fursadaha lagu daabaco daraasadaha aqooneed ee Soomaaliya. Daahfurka joornaalladan ayaa qayb ka ah dadaallada ay jaamacaddu ku horumarinayso wax-soo-saarka cilmiyeed, isla markaana ay aqoonyahannada iyo cilmi-baarayaasha ugu abuurayso madallo ay ku soo bandhigaan natiijooyinka daraasadohooda.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hormuud, Prof. Cabdi Cumar Shuuriye, ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee joornaalladani ay tahay dhiirrigelinta cilmi-baarista iyo hirgelinta madal aqooneed oo dalka u adeegta.
“Ujeeddada joornaalladu waa inay kobciyaan cilmi-baarista, isla markaana jaamacaddu yeelato madal dalka u adeegta,” ayuu yiri Prof. Cabdi Cumar Shuuriye.