Muqdisho(Dawan) – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa soo saartay dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin-jabisa Machadka Dacwada iyo Daraasaadka Islaamiga ah, iyadoo mas’uuliyiinta jaamacaddu ay sheegeen in tallaabadani ay astaan u tahay dib u soo nooleynta machadka loogu talagalay diyaarinta culimada iyo xirfadlayaasha dhinaca garsoorka.
Munaasabadda qalin-jabinta, waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in 190 arday ay ka qalin-jabiyeen dufcaddii ugu horreysay ee Machadka Dacwada iyo Daraasaadka Islaamiga ah, kuwaas oo dhammaystay barnaamijyada Dacwada Islaamiga ah iyo Garsoorka.
Guddoomiyaha ayaa xusay in markii dib loo furay machadka bishii Nofeembar 2023 ay diiwaangashnaayeen 204 arday, isagoo sheegay in tirada ardayda danaynaysa barnaamijyada machadku bixiyo ay sii kordhayso.