Paris (Dawan)- Dowladda Jabuuti iyo Dowladda Faransiiska ayaa Isniintii magaalada Paris ku yeeshay wadahadallo laba geesood ah oo looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo sidoo kale la kala saxiixday heshiis ku saabsan dib-u-habaynta waxbarashada dugsiyada sare ee Jabuuti.
Wadahadallada oo ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska, waxaa si wadajir ah u guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti ahna Afhayeenka Dowladda, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, iyo dhiggiisa Faransiiska, Jean-Noël Barrot.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dhinacyada kala duwan ee iskaashiga labada dal. Dhinaca dhaqaalaha, wadahadalladu waxay diiradda saareen dib-u-kicinta maalgashiga Faransiiska ee Jabuuti, maalgelinta mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan mashaariicda la xiriira garoomada diyaaradaha, iyo diyaarinta wafdi dhaqaale oo ka socda Ururka Caalamiga ah ee Faransiis-ku-hadalka (OIF) oo booqan doona Jabuuti.
Dhinacyada difaaca iyo amniga ayaa sidoo kale qayb muhiim ah ka ahaa wadahadallada, iyadoo labada dhinac ay dib u eegis ku sameeyeen hirgelinta Heshiiska Cusub ee Iskaashiga Difaaca (TCMD), kaas oo saldhig u ah iskaashiga amni ee labada dal.
Sidoo kale, labada wasiir ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada hawada sare, cilmi-baarista sayniska iyo la-dagaallanka isbeddelka cimilada, iyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya wasaaradaha arrimaha gudaha ee labada dal.