Jabuuti (Dawan)– Dowladda Jabuuti iyo shirkadda LinkWise ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu hirgelinayo mashruuc maalgashi oo isku dhafan, kaas oo ku kacaya $1.35 bilyan, iyadoo ujeeddadu tahay in Jabuuti laga dhigo xarun tiknoolajiyadeed oo muhiim u ah gobolka.
Heshiiska ayaa lagu saxiixay kulan ka dhacay Hoteelka Ayla ee magaalada Jabuuti. Dowladda Jabuuti waxaa u saxiixday Wasiir-dowlaha Maalgashiga iyo Horumarinta Ganacsiga Gaarka loo Leeyahay, Mariam Hamadou Ali, halka dhinaca LinkWise uu matalay wafdi uu hoggaaminayay aasaasaha iyo madaxa shirkadda, Dr. Thomas Wang.
Saxiixa heshiiska ayaa yimid kaddib safar shaqo oo wafdiga LinkWise uu ku joogay Jabuuti intii u dhexeysay 14-kii ilaa 20-kii Luulyo, xilligaas oo ay kulamo farsamo la yeesheen wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso mashruuca, isla markaana ay booqdeen goobo loo qorsheeyay in laga hirgeliyo qaybaha kala duwan ee maalgashiga.
Mashruuca waxaa ka mid ah dhismaha xarun xisaabeed oo loogu talagalay Garaad Gacmeedka (AI) leh awood dhan 100 megawatt, taas oo lagu shaqayn doono tamar laga soo saarayo mashaariic gaareysa 500 megawatt oo tamarta qorraxda iyo dabaysha ah, iyadoo sidoo kale la dhisayo nidaamyo lagu kaydiyo tamarta.