Jabuuti (Dawan)- Dowladaha Jabuuti iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday dhowr hehsiis oo kor loogu qaadayo xiiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dhinac.
Heshiisyadaan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Jabuuti lagu qabtay Kalfadhigi Shanaad ee Guddiiga Wadajirka ah ee Jabuuti iyo Sacuudiga oo ay wada guddoomiyeen Wasiirka Arriimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirka Gaadiidka Sacuudiga, Saalax bin Naasir.
Wasiirka Gaadiidka Sacuudiga ayaa sharraxaad ka bixiyay hiigsiga Boqortooyada 2030 ee lagu dhisayo dhaqaale firfircoon oo daboolaya dhinacyo kala duwan, sida warshadaha, maalgashiga, iyo bixinta fursadaha kobaca ee ganacsatada, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in iskaashigu udub dhaxaad u yahay dhammaan howlahaas.
Wasiirka ayaa tilmaamay in iskaashiga ganacsi ee kala dhaxeeya Jabuuti inuu kor u kacay shantii sano ee lasoo dhaafay, isaga oo gaaray 2.7 bilyan oo riyal, taas oo micnaheedu yahay inuu sameeyay kor dhan 7.43% sannadkii.
Dhankiisa, Wasiirka Gaadiidka Jabuuti, Xasan Xumad ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda uu shirka Guddiga Wadajirka u leeyahay kor u qaadista iyo iskaashiga labada dal, isaga oo xusay sida ay Jabuuti ugu dadaaleyso ka mira dhalinta yoolalka lagu hormarinayo dhinacyada kala duwan sida Dekedaha, Gaadiidka iyo Waddooyinka .