Wafdiga Sacuudiga ayaa kulamo gooni ah gooni ah la qaatay mas'uuliyiinta Jabuuti u qaabilsan ganacsiyada iyo maalgashiga iyo sidoo kale ganacasatada dalka, iyada oo warbixin laga siiyay fursadaha maalgashi iyo dhaqaale ee ka jira aagga xorta ah ee Jabuuti iyo faa'iidooyinka ay ka heli karaan maalgashiga Jabuuti.
Dhankooda mas'uuliyiinta Jabuuti u qaabilsan arrimaha dekedaha iyo maalgashiga ayaa u ballan qaaday ganacsatada iyo shirkadaha Sucuudiga inay heli doonaan adeegyada iyo faa’iidooyin la mid ah shirkadaha Jabuuti, waxeyna soo bandhigeen fursadaha jira ee dhinacyada tamarta dib loo cusboonaysiin karo, dalxiiska, beeraha iyo tignoolajiyada.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa madaxtooyada ku qaabilay wafdiga ganacsatada Sacuudiga, isaga oo uga mahadceliyay dadaalkooda ay ku doonayan in ay Jabuuti ka sameeyaan maalgashi xoogan oo dhinaca dekedaha ah.
Madaxweynaha iyo ganacsatada Sacduuiga ayaa sidoo kale kawada xaajooday fursadaha kale ee ka bannaan Jabuuti kuwaas oo ay faa'iido ugu jirto labada dhinac.