Jabuuti (Dawan)- Jabuuti iyo Yemen ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, gaadiidka badda iyo adeegyada saadka, xilli labada dal ay muhiimad istiraatiiji ah ku leeyihiin marin-biyoodka Baab al-Mandab.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, ayaa magaalada Jabuuti ku qaabilay dhiggiisa Yemen, Afrah Cabdulcasiis Al-Zuubaa, oo booqasho rasmi ah ku tagtay dalka.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhaxaysa Jabuuti iyo Yemen, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi.
Wadahadallada ayaa si gaar ah loogu soo qaaday horumarinta iskaashiga dhinacyada dekedaha, gaadiidka badda iyo adeegyada saadka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata isu-socodka ganacsiga gobolka iyo isku-xirka suuqyada caalamka.