Jabuuti (Dawan)— Hay’adda Horumarinta Bulshada Jabuuti (ADDS) ayaa Khamiistii heshiisyo maalgelin la saxiixatay 15 urur bulsho, kuwaas oo lagu fulinayo mashaariic maxalli ah oo ku kacaya qiyaastii 112,000 oo doollar, sida ay werisay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Ururradan ayaa ku guuleystay wareegga saddexaad ee tartanka soo gudbinta hindiseyaasha mashaariicda ee Sanduuqa Horumarinta Bulshada, kaas oo qayb ka ah Mashruuca Isku-dhafan ee Horumarinta Magaalooyinka (PDUI2 Ter).
Lacagta loo qoondeeyay mashaariicdan ayaa dhan 20 milyan oo faranka Jabuuti ah, waxaana lagu maalgelinayaa 15 mashruuc-hoosaad, kuwaas oo mid kasta uu fulinayo urur bulsho oo ka hawlgala deegaannada uu barnaamijku ka socdo.
Sanduuqan waxaa maalgelisa Hay’adda Horumarinta Faransiiska (AFD), waxaana maamusha Hay’adda Horumarinta Bulshada Jabuuti oo kaashanaysa degmada Balbala. Hay’addu waxay hore u sheegtay in wareeggan maalgelintu uu khuseeyo xaafadaha Layabley iyo Moustiquaire ee degmada Balbala.