Jabuuti (Dawan) — Dowladda Jabuuti ayaa bilowday mashruuc tijaabo oo ah korontada laag dhaliyo qorraxda , kaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo adkeysiga dhaqaale iyo bulsho ee dadka ku nool miyiga, kuwaas oo si weyn u wajahaya saameynta abaaraha soo noqnoqda.
Mashruucan, oo ay maalgelisay dowladda Japan isla markaana ay hirgelinayso Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP), ayaa qiimihiisu yahay $373,333, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah.
Barnaamijkan ayaa laga hirgelinaya laba tuulo oo kala ah Yoboki ee gobolka Dikhil iyo Omar Jaggaa ee gobolka Arta, muddo hal sano ah, oo u dhaxaysa Maarso 2026 ilaa Maarso 2027.
Xafladda daahfurka ayaa ka dhacday Wasaaradda Tamarta, iyadoo ay ka qeybgaleen Wasiirka Tamarta Yoonis Cali Geeddi, safiirka Japan Okochi Akihiro, iyo wakiilka UNDP ee dalka Alessandra Roccasalvo.
Mashruucu wuxuu diiradda saarayaa kor u qaadista helitaanka tamarta qorraxda ee qoysaska nugul, iyo horumarinta dhaqdhaqaaqyada dhaqaale ee dakhli-abuurka leh, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada.
Sidoo kale, waxaa qorshuhu yahay in la dhiso nidaamyo dayactir oo ku saleysan bulshada, iyo in xalalka qorraxda loo adeegsado fududeynta helitaanka biyaha.


