Jabuuti (Dawan) — Dabaalyahanka reer Jabuuti, Houmed Houssein Barkat, ayaa dalkiisa u soo hooyey bilad qalin ah, kaddib markii uu kaalinta labaad ka galay tartanka 100-ka mitir ee dhabarka, intii uu socday tartanka dabaasha ee Africa Aquatics Zone 3.
Barkat ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka, isaga oo ka dambeeyey mid ka mid ah dabaalyahannada ugu wanaagsan Bariga Afrika. Natiijadan ayaa muujinaysa horumarka ay dabaasha Jabuuti ka sameyneyso tartamada heer goboleed.