Jabuuti (Dawan) – Ciidanka Booliiska Militariga Jabuuti ayaa sheegay in waaxda Baarista iyo Dukumentiyada ay burburisay shabakad lagu eedeeyay inay ku howlanayd khiyaanooyin online ah oo la xiriira fiisooyin been abuur ah.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah ololaha qaran ee lagu diiwaangelinayo dhibbanayaasha khiyaanooyinka internetka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Jabuuti.
Baarayaasha ayaa sheegay in shabakaddu ay bartilmaameedsanaysay dad doonayay inay dibadda u safraan, iyadoo u ballanqaadaysay inay si degdeg ah ugu heli karaan fiisooyin lacag lagu beddelanayo.
Si kastaba, dukumentiyada fiisaha ee la siinayay dadka ayaa ahaa kuwo been abuur ah, iyadoo habka loo adeegsaday lagu doonayay in lacag looga qaato dhibbanayaasha.