Jabuuti (Dawan) – Ciidamada Jandarmeeriga Jabuuti ayaa Sabtidii xiray 224 qof oo si sharci-darro ah kusoo galay dalka, kaddib hawlgallo laga fuliyay laba xaafadood oo ka tirsan caasimadda, kuwaas oo markii dambe dib loogu celiyay xadka, sida ay maanta oo Isniin ah sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ADI.
Hawlgalka oo ka dhacay xaafadaha Ambouli iyo Djebel ayaa billowday lixdii subaxnimo, sida ay sheegtay ADI. Waxaa fuliyay Kooxda Garsoorka ee Jandarmeeriga Qaranka, iyadoo ay taageerayeen ciidamada Jandarmeeriga ee roonadada sameeya.. Ciidamada ayaa beegsaday dhowr guri oo hore loo ogaaday inay hoy u ahaayeen dad si sharci-darro ah dalka kusoo galay, sida ay wakaaladdu sheegtay.