Jabuuti (Dawan) – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa martigelisay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan laba mashruuc oo horumarineed oo dhijitaal ah, kuwaas oo ku kacaya $30 milyan, isla markaana uu taageerayo Bangiga Adduunka, sida ay werisay wakaaladda wararka ee ADI maalintii Khamiista.
Munaasabadda oo ka dhacday dhismaha Qasriga Shacabka ayaa diiradda lagu saaray mashruuca “Aasaaska Dijitaalka ee Jabuuti (DFN)” iyo barnaamijka is-dhexgalka dhijitaalka ah ee gobolka Bariga Afrika (EARDIP), sida ay sheegtay wakaaladdu.
Mashaariicdan ayaa lagu kala taageerayaa $10 milyan iyo $20 milyan oo ka imaanaya Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee Bangiga Adduunka, taas oo wadarta guud ee maalgelintu ka dhigeyso $30 milyan, sida lagu xusay warbixinta.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in aqoon-is-weydaarsigan looga golleeyahay in daneeyayaasha lala wadaago baaxadda mashaariicdan, laga ururiyo fikrado, laguna taageero fulin wax ku ool ah.


