Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa muujiyay taageero buuxda oo uu u hayo shacabka iyo dowladda Kuwait, kaddib duqeyn xooggan oo Iiraan ay ka geysatay qaybo ka mid ah dalkaas.
Madaxweyne Geelle ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhaxal sugaha dalkaa Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al Sabbah kaddib weerarradii cirka ee dalkaasi lala beegsaday , kuwaas oo muujinaya xaalad adag oo ka taagan guud ahaan waddamada Khaliijka.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda garab ugu taagan yahay Kuwait, isaga oo xusay muhiimadda ay nabadda iyo xasilloonidu u leeyihiin gobolka Bariga Dhexe.
Geelle ayaa sheegay in duqeyntaasi ay tahay fal ka dhan ah nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka, wuxuuna tilmaamay in Jabuuti ay ka go’an tahay taageeridda madaxbannaanida iyo jiritaanka dowladda Kuwait.






