Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa hawlgab ka dhigta 379 shaqaale oo ka tirsanaa hay'adaha dowladda, kuwaas oo kala ah 281 shaqaale dowladeed iyo 98 shaqaale heshiis ku shaqeynayay.
Wasiirka Shaqada, Qaabaynta Shaqada Rasmiga ah iyo Ilaalinta Bulshada, Yoonis Cali Geedi, ayaa sheegay in hawlgabku yahay xuquuq ay leeyihiin shaqaalaha marka ay soo dhammeystaan muddada shaqadooda, isagoo bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen u adeegidda dowladda iyo qaranka. Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabadani aysan ku koobneyn oo keliya dhammaadka shaqada shaqaalaha muddada dheer adeegayay, balse ay sidoo kale qeyb ka tahay qorshaha lagu diyaarinayo jiilka beddeli doona, laguna furayo fursado cusub dhalinyarada Jabuuti.