Jabuuti (Dawan ) – Dowladda Jabuuti ayaa ka digtay in xiisadaha iyo dagaallada ka sii huraya gobolka Bariga Dhexe ay keeni karaan saameyn dhaqaale oo culus oo ku dhici karta dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa ku yaalla Geeska Afrika, sida Jabuuti.
Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, oo qoraal ku daabacay bartiisa X (Twitter), ayaa sheegay in colaadaha sii kordhaya ay halis ku yihiin dhaqaalaha dalalka soo koraya, kuwaas oo horey ula tacaalayay nuglaansho iyo xasillooni darro.
Wasiir Dawaaleh ayaa xusay in dalalka yar yar sida Jabuuti, oo dhaqaalahoodu si weyn ugu tiirsan yahay ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha, ay si gaar ah u dareemi karaan saameynta ka dhalata qalalaasaha caalamiga ah.






