Jabuuti (Dawan) – Hay’adda Qaran ee Saadaasha Hawada ee Jabuuti (ANM) ayaa ka digtay suurtagalnimada roobab wata onkod iyo hillaac oo dalka ka da’a maalmaha Jimcaha iyo Sabtida.
Hay’addu waxay sheegtay in saadaashan ay la xiriirto qalqal hawo oo kulaylaha ka jira (tropical disturbance), kaas oo 19-kii Oktoobar ka samaysmay koonfur-galbeedka Badda Carbeed, dabadeedna u dhaqaaqay dhanka Soomaaliya, isaga oo saameeyay xaaladaha hawada ee Geeska Afrika.
Daruuro la xiriira qalqalkaas ayaa gaaray Gacanka Cadmeed, taas oo kordhisay suurtagalnimada roobab ka da’a dhulka Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay sheegtay inaan weli si dhab ah loo saadaalin karin xoogga roobabka iyo goobaha ay ka da’i karaan. Waxay xustay in arrimahaasi ay ku xirnaan doonaan jihada uu u dhaqaaqo qalqalka hawada iyo isbeddellada xaaladaha cimilada ee gobolka.