Jabuuti (Dawan)- Munaasabad ballaaran oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti ayaa ka qabsoontay dalka Jabuuti, iyada oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Tamarta.
Munaasabadan oo ah mid sanad kasta la xuso 22-ka October, ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubno ka tirsan xukuumadda, iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah, kuwaas oo si wadajir ah u muujiyay dadaalka dalka ee ku aaddan tamarta waarta iyo horumarka joogtada ah.
Hal-heyska Munaasabadda ayaa sanadkan ahaa "Tayeenta Tamarta iyo Horumarka Waara ee Jabuuti," iyadoo lagu soo bandhigay qorshayaal dhowr ah oo ku saabsan waxqabadka Wasaaradda Tamarta.