Jabuuti, 10 Maarso 2026 (Dawan)– Jabuuti ayaa bilowday dadaal iskaashi oo heer sare ah si loo sugo hufnaanta marinada ganacsiga ee Itoobiya, xilli xiisadaha badda ee gobolka ay keeneen in shixnado badan oo laga soo weeciyay Badda Cas inay soo gaaraan Jabuuti, sida uu sheegay Maamulka Dekedaha iyo Aagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA).
Wasiirka Kaabayaasha Dhaqaalaha, Xasan Xumad Ibraahim, iyo Wasiirka Maaliyadda, Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa Isniintii isugu yeeray mas’uuliyiinta sare ee loojistikada iyo gaadiidka si loo habeeyo shabakadaha waddooyinka iyo tareennada, kuwaas oo ah halbawlaha ugu muhiimsan ee dalka aan bad lahayn sida Itoobiya.
Sida laga soo xigtay Maamulka Dekedaha, Dekedda weyn ee Doraleh (DMP) ayaa aqbashay alaab lagu soo leexiyey si degdeg ah, taasoo ku saabsanaa markabka MV Patara oo siday 2,000 oo baabuur. In ka badan 1,500 oo ka mid ah baabuurtaas ayaa markii hore ku socday Jebel Ali, Isutagga Imaaraadka Carabta, balse hadda ku sugan Jabuuti sabab la xiriirta xasillooni-darro ka jirta Gacanka Faaris.







