Jabuuti, 2 Disembar 2025- Wasaaradda Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti oo kaashanaysa Wasaaradda Maaliyadda ayaa qabatay aqoon-is-weydaarsi heer goboleed oo looga hadlayay sidii loo dhisi lahaa dhaqaalaha adkaysiga u leh isbeddelka cimilada, gaar ahaan gobollada kulaylaha iyo kuwa engegan ee Bariga Afrika.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay Maalgeliso Bangiga Adduunku ee Khatar ka saaridda , Ka mid noqoshada, iyo Kobcinta Qiimaha Dhaqaalaha Xoola-dhaqatada( DRIVE), kaas oo loogu talagalay in lagu yareeyo khataraha cimilada, gaar ahaan abaarta, ee saameeya bulshada xoolo-dhaqatada ah.
Kulanka waxaa ka soo qeybgalay wufuud ka timid Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, iyo wakiillo ka socda Bangiga Adduunka, shirkadaha caymiska, iyo daneeyayaasha gudaha.
Ibrahim Cilmi, Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Beeraha ee Jabuuti, ayaa xusay muhiimada istaraatiijiyadeed ee mashruuca, isaga oo tilmaamay in Geeska Afrika uu hoy u yahay in ka badan 370 milyan oo neef oo xoolo ah, kuwaas oo wajaha caqabado sii xoogeysanaya oo la xiriira isbeddelka cimilada.








