Jabuuti (Dawan) - Jabuuti ayaa Isniintii furtay madal soconaysa laba maalmood oo looga hadlayo diblomaasiyadda, madaxbannaanida dalalka Afrika iyo caddaaladda arimaha isbadalka cimilada.
Kulanka ayaa ka dhacay Hotel Kempinski ee Jabuuti waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin, diblomaasiyiin iyo khubaro ka arrinsanaya doorka Afrika ee hannaanada caalamiga ah ee lagula tacaalayo isbeddelka cimilada.
Madasha ayaa lagu sheegay in Afrika ay qayb yar ku leedahay qiiqa hawada wasakheeya ee sababa isbeddelka cimilada, hase yeeshee dalal badan oo qaaradda ku yaalla ayaa wajahaya saameyn ka dhalata isbeddellada cimilada, taas oo ay ka mid yihiin abaaraha iyo dhacdooyinka cimilo ee daran.