Jabuuti (Dawan)– Maamulka kastamka Jabuuti ayaa qorshaynaya hirgelinta nidaam elektaroonig ah oo hal meel lagu mideeyo adeegyada kastamka iyo habraacyada ganacsiga, si loo fududeeyo isu-socodka badeecadaha, loo yareeyo dib-u-dhacyada, loona kordhiyo hufnaanta hawlaha.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI, mashruucan ayaa looga hadlay aqoon-is-weydaarsi ka furmay Qasriga Shacabka, kaas oo lagu diyaarinayo hirgelinta nidaamka cusub.
Maamulka kastamka waxaa mashruuca kala shaqaynaya Wasaaradda Ganacsiga, Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ee AfCFTA iyo hay’adda Kuuriyaanka ah ee CUPIA. Hay’addan ayaa khibraddeeda hore uga faa’iidaysay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Tanzania iyo Ghana.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Cali Cabdou Daa'uud, masuuliyiin sare oo kastamka ka tirsan oo uu hoggaaminayay Cabdiuraxmaan Izzi Awad, iyo wakiillo ka socday AfCFTA iyo CUPIA.