Jabuuti (Dawan)– Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay qorshe ay dhammaan habraacyada qandaraasyada dowladda ugu wareejinayso nidaam dijitaal ah. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dib-u-habayn ballaaran oo lagu xoojinayo hufnaanta, laguna ballaarinayo fursadaha ay helaan dhallinyarada iyo ganacsiyada yaryar.
Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka , Cali Xasan Bahdoon, ayaa qorshahan ku dhawaaqay Arbacadii, xilli uu furayay Shirka Qaran ee Qandaraasyada Dowladda. Shirka waxaa ka qaybgalay wasiirro, guddoomiyaha Bangiga Dhexe, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, iyo wakiillo ka socday ganacsatada, bangiyada iyo bulshada rayidka ah.
Marka la hirgeliyo nidaamka dijitaalka ah, dowladdu waxay qorshaynaysaa inay soo saarto wargeys rasmi ah oo lagu shaaciyo qandaraasyada dowladda, iyo bog internet oo xog furan ah, kaas oo dadweynuhu ka heli karaan macluumaadka qandaraasyada. Sidoo kale, waxaa la kormeeri doonaa wax iibsiga ka hooseeya xadka qandaraasyada rasmiga ah, waxaana la soo saari doonaa warbixin sannadle ah oo ku saabsan adeegsiga hantida dadweynaha. “Horumar ma jiro kalsooni la’aan, kalsoonina ma jirto hufnaan la’aan,” ayuu yiri Bahdoon. Waxa uu sidoo kale sheegay in qandaraasyada dowladdu aysan ahayn oo keliya habraacyo maamul, balse ay yihiin aalado lagu dardargeliyo horumarka. Wuxuu ka digay in qandaraasyada aan si wanaagsan loo qorshayn ay dib u dhigaan adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta, kuwa aan tartanka ku dhisnayn ay kordhiyaan kharashaadka dowladda, halka kuwa aan hufnaynna ay wiiqaan kalsoonida dadweynaha.