Jabuuti (Dawan)– Dhammaan 300 oo dhallinyaro ah oo dhammaystay barnaamij tababar oo ku saabsan wadista gaadiidka xamuulka culus ayaa shaqo ka helay shirkado maxalli ah, sida uu sheegay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jabuuti, Yuusuf Muuse Dawaleh.
Dawaleh ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socday dowladda iyo ganacsatada, taas oo Talaadadii looga hadlay fursadaha shaqo ee qaybaha gaadiidka iyo saadka, iyo mustaqbalka Xarumaha Khayraadka iyo Xirfadaha (CRC). Wuxuu sheegay in barnaamijka tababarku dhallinyarada u diyaariyay inay noqdaan darawallo xirfad leh oo ka shaqeeya waddooyinka isku xira Jabuuti, Itoobiya iyo gobollada kale ee gudaha qaaradda.
“300-kii dhallinyaro ahaa waxay shaqo ka heleen shirkadaha Jabuuti. Taasi waa wax lagu faano,” ayuu yiri Dawaleh.
Wuxuu intaas ku daray in in ka badan 5,000 oo dhallinyaro ah lagu tababaray Xarumaha Khayraadka iyo Xirfadaha, isla markaana ay hadda ka shaqeeyaan qaybaha la xiriira xirfadihii ay barteen. Dawaleh ayaa sheegay in Rugta Ganacsiga ay xarumaha siisay dhul iyo taageero maaliyadeed, taas oo qayb ka ah iskaashiga dowladda iyo ganacsatada ee lagu xoojinayo waxbarashada xirfadeed iyo sii jiritaanka barnaamijyada tababarka.